U bood dhigaalka

Maxkamadda Sare Ee Kenya Oo Joojisey Go’aankii Lagu Xirayey Xeryaha Dhadhaaab

Sheeko:Dalka

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa ku dhowaaqday iney joojisey go’aankii horey ee dowladda dalkaasi ku xireysay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.

Qoraal hadda si rasmi ah ugu soo baxay faafinta rasmiga ee dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in go’aankaasi ay maxkamadda sare kahor timid.

Qaadiga lagu magacaabo John Matibo ayaa sheegay iney diideen go’aankii horey ugu dhowaaqay wasiirka arrimaha gudaha Kenya Joseph Nkaissery, kaas oo ku saabsanaa in la xerayo Xeryaha Dhadhaab.

Xeryaha Dhadhaab waxaa ku sugan qaxooti badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo qaarkood dhowaan dalkooda dib ugu soo laabtey, kadib markii loo sheegay in la xirayo xeryahaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News