U bood dhigaalka

Maxkamadda Sare Ee Mareykanka Oo Waafaqday Dhaqangelinta Wareegtadii Trump

Sheeko:Dalka

Maxkamadda sare ee dalka Mareykanka ayaa waafaqday in si dhameystiran loo dhaqan geliyo wareegtadii uu soo saaray madaxweyne Trump oo aheyd in 6 wadan oo muslimiin u badan aysan soo gali Karin Mareykanka.

Dowladaha lagu dhaqan galinayo sharcigaan ayaa waxay kala yihiin Chad, Iran, Somalia, Syria, Yeman iyo Libya,  dowladahaan ayaa waxaa ay wajahayaan caqabado dhanka sharciga ah.

Wareegtada uu soo saaray Turmp sidoo kale waxaa ku xusneyd in wadamada Kuuriyada waqooyi iyo Venezuela lagu daro liiska wadamada dadkooda laga mamnuucay inay soo galaan mareykanka.

Maxkamadda sare ee dalkaasi oo ah maxkamadda ugu sarreysa Mareykanka ayaa go’aansatay in la dhaqan galiyo wareegtada uu soo-saarey Trump.

Goobjoog News