U bood dhigaalka

Maxkamadda Sare ee Somaliland oo Ka Hadashay Dhibaatooyinka Ugu Badan ee Horyaalla Bahdooda Cadaaladda

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland prof. Aadan Xaaji Cali Axmed oo ka xog warramay guud ahaan kiisaska bahda caddaaladda horyaalla ee dacwadaha ah, ayaa waxa uu si gaar ah u tilmaamay dhibaatada muranka dhulka ah oo bahdooda cadaaladda ay aad ugu mashquulsan yihiin.

Guddoomiye Aadan Xaaji Cali oo isaga oo ku sugan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer u warramay warbaahinta ayaa ugu horrayn ka jawaabay su’aal laga weydiiyey sababta keentay in weriyayaal muddo dheer xabsiyada ku jira oo aan la xukumin, waxana uu si gaar ah uga hadlay kiiska weriye Axmed Muuse Sakaaro oo toddobaadyo ku xidhan xabsiga Burco uu ka yiri;  “Mushkilado xagga xeerka ah baa jira, laakiin siyaasaddii cusbayd aanu soo saarnay ee ahayd in weriyuhu isaga oo dibadda jooga uu is-difaaco waa sideedii, laakiin kiiska weriye Sakaaro, isagu wuu ka duwan yahay waxa lagu eedeeynayaa fal saxaafadda la xidhiidha ma ah ee waxa lagu eedeeyey waa fal-ciqaabeed, waxa lagu eedeeyey kicin dadweyne iyo amniga inuu khatar ku yahay, maxkamad ahaanna annaga waxa nala gudboon inuu garnaq caddaaladeed helo.”

Guddoomiyihu waxa uu ka hadlay kiis kale oo magaalada Hargeysa loogu haysto qoraa Siciid Maxamuud Gahayr oo muddo dheer xabsi ku jira,“maxkamadda gobolka waa la horkeenay  waxa uu heli doonaa difaac iyo maxkamad xor ah oo uu isku difaaco, keligiina ma ahee Hargeysa waxa ka socda dacwadda nin kale oo Siciid Gahayr la yidhaahdo, isagana waa la eedeeyey oo fal amnidarro oo madaarka Hargeysa la xidhiidha ayaa lagu eedeeyey maxkamaddiisuna way u furnayd cidkasta.” Ayuu yiri guddoomiye Aadan Xaaji Cali.

Dhinaca kale; guddoomiye Aadan Xaaji Cali waxa uu si gaar ah uga hadlay dhibaatooyinka ugu badan ee bahda cadaaladdu kala kulmaan muranka bulshada, waxana uu hoosta ka xarriiqay in doodaha lahaanshaha dhulka ka taagani yihiin caqabadda ugu weyn ee hortaagan, waxana uu yiri,“Cabashada ugu badan ee dalka oo dhan ka jirtaa waa dhulka, dhibkuna waa qarankii dhulka lahaa ayuu dhulkii farihiisii ka baxay, dabadeedna shicib baa isku haysta oo ku dagaallamaya, dadkiina maalin walba way sii iimaan beelayaan”.

Guddoomiyuhu waxa uu si gaar ah u carrabaabay dhibka dhulka ku yaalla magaalada Burco ku hayo bahda garsoorka, isaga oo xusay in ay Burco soo socoto meelo ay caasimaddu hore u soo dhaaftay,“Burco waxa ay maraysaa halkii ay Hargeysa maraysay 2002,2003,2004-tii, sababtuna wax kale ma ahee magaaladii baa fidaysa, dhulkiina wuu sii qaaliyoobayaa, imika Hargeysa dadkii way isla daaleen dhulkiina wuu dhammaaday.” Ayuu yiri guddoomiye Aadan Xaaji Cali.

Kiisaska yaalla maxkamadaha Somaliland  ayaa waxaa ugu badan dacwadaha dhanka dhulka oo sida uu guddoomiyuhuba ka dhawaajiyay dhibaato culus ku ah bahda cadaaladda oo maalin kastaba la soo gaarsiiyo kiisas cusub oo is haysiga dhanka dhulka ah.

Goobjoog News