U bood dhigaalka

Maxkamadda Sare ee Somaliland oo Ku Gacansayrtay Dacwad Ka Dhan ah Hoggaanka Sare ee Xisbiga Waddani

Sheeko:Dalka

Maxakamadda sare ee Somaliland ayaa diidday iney qabato dacwad ka dhan ah hoggaanka sare ee  xisbiga Waddani taasi oo ay soo gudbiyeen garab ka tirsan xisbiga oo ka dacwoonayay sida ay wax u dheceen shirweynihii ugu dambeeyay ee xisbiga ee lagu soo xulay murashixiinta u tartamaysa doorashada madaxtooyada Somaliland ee 2017.

Garabkan oo la baxay isbedel doonka ayaa waxaa hogaaminaya guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed.

Guddoomiyaha maxakamadda sare ee Somaliland  Aadan Xaaji Cali oo ka hadlay sababta ay ku diideen iney dacwaddan qaadaan ayaa waxa uu sheegay in shirku uu ahaa mid loo dhammaa oo Axmed Muumin Seed laftiisu  tartanka ka qaybgalay balse markii ay arkeen waxyaabaha ku qoran ee ay cuskadeenna aaney ku qancin.

Shir dhawaan ay magaalada Hargeysa ku qabteen garabka isbedel doonka  xisbiga Waddani, ayaa waxay ku sheegeen iney ka biyo diiddan yihiin tartankii lagu reebay Axmed Muumin Seed oo ay sheegeen inuu ahaa qofka koowaad ee mudnaanta lahaa gudaha xisbiga Waddani, marka laga eego dadaalkii uu usoo galay xisbiga ee illaa bilawgii xisbiga uu ku jiray.

Labada xisbi ee kala ah Ucid iyo Kulmiye ayaa sidan oo kale isku khilaafay kadib markii ay qabsadeen shirarkoodii golaha dhexe  waxayna taas ka dhashay iney wiiqanto awoodoodii xisbi, ka dib markii siyaasiyiin lixaad leh dhinac kasta ay ka gadoodeen.

Goobjoog News