U bood dhigaalka

Maxkamadda Sare Oo Diiddan Doorasho Lagu Wado Iney Berri Ka Dhacdo Jowhar

Sheeko:Dalka

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in maxkamadda sare ee dalka ay diiddan tahay doorashada kursi kamid ah golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, taasi oo lagu wado in maalinta berri ah ay ka dhacdo magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe.

maxkamadda sare ayaa ku doodeysa in doorashadan aysan u dhici karin Labo arrin dartood oo kala ah:

  • Guddiga doorashada madaxa banaan oo ay maxkamaddu sheegeyso inaanu xaq u lahayn qabashada doorashadan
  • Iyo sidoo kale ineysan kursigaasi u tartami karin shaqsiyaad horey ugu soo tartamay sida ku qoran qodobka 59-aad ee Dastuurka.

Dhanka kale, ilo kale oo ku dhow guddiga madaxa banaan ee doorashada qaranka ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in guddiga uu ku adkeysanayo iney dhacdo doorashada.

Guddiga ayaa isna sheegaya in doorashadan ay tahay mid dadban, maxkamadana aanay wax shaqo ah ku lahayn.

Maxkamadda sare ayaa la filayaa in saacadaha soo aadan ay soo saarto go’aanno la xiriira doorashada berri ka dhici doonta magaalada Jowhar.

6 musharrax oo ay ku jiraan madaxweynihii hore ee Hirshabelle iyo taliyahii hore ee NISA ayaa ku tartamaya doorashada kursigan ka midka ah golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa horey u faray guddiga madaxa banaan ee doorashada qaranka in sida ugu dhaqsiyaha badan ay kusoo dhameystiraan kuraasta ka banaan golaha shacabka.

Goobjoog News