U bood dhigaalka

Maxkamadda Togdheer Oo Xukuntay Weriye Ka Tirsan Goobjoog

Sheeko:Dalka

Maxkamadda gobolka Togdheer ayaa maanta weriya Xasan Xandulle u dirtay 7 maalmood oo xabsi ku hayn ah, waxaana loo gudbiyay jeelka wayn ee Burco.

Wariyaha Goobjoog ee Burco waxaa  uu xidhan yahay maalintii saddexaad.

Xeer ilaaliyaha gobolka Togdheer Jaamac Ducaale Siciid ayaana uu u xidhan yahay.

Wariye Xasan waxaa lagu haystaa war uu ku faafiyay bartiisa facebookga.

Warbaahinta Goobjoog Media Group waxaa ay ka walwalsan tahay xaaladda weriye Xasan, iyada oo xadhigaas u aragta cabudhin xorriyadda hadalka ah, dalbaneysana in si degdeg ah loo sii daayo.

Goobjoog News