U bood dhigaalka

Maxkamaddda Ciidanka Puntland Oo 5 Qof Dil Ku Fulisay

Sheeko:Dalka

Maxkamadda ciidamada Puntland  ayaa magaalada Boosaaso xukun dil ah maanta ku fulisay shan(5) qof oo ka mid ahaa todobo eedeysane oo maxkamadda la horkeenay.

Raggam ayaa la toogtay waxaa ay maxkamadda darajada koowaad bishii February ku xukuntay dil balse waxaa ay qaateen racfaan, taas oo isla go’aankii maxkamadda hore qaadatay.

Shanta la toogtay iyo labo kale oo xabsi daa’in lagu xukumay waxaa lagu eedeeyay dilka agaasimihii madaxtooyada Puntland iyo taliye ku xigeenka Booliiska Puntland.

Dilka:

December 15, 2016:  Rag  ku hubeysan Bistoolado ay dhaawac u geysteen taliye ku xigeenka ciidamada Booliiska Puntland Jaamac Saxardiid. Taliye ku xigeenka ayaa la sheegay inuu kasoo baxay Hoteel uu ka deganaa magaalada Boosaaso, dhaawacaas ayuu u dhintay.

December 20 , 2016: Agaasimihii madaxtooyada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa lagu dilay Boosaaso. Aadan Gaas Huruuse, agaasimihii madaxtooyada magaalada Boosaaso ayaa kooxo hubeysan waxay gelinka dambe ee maanta ku dileen magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Saraakiisha caafimaadka ayaa xaqiijiyay in Aadan Gaas uu u dhintay dhaawac kasoo gaaray rasaas kooxaha hubeysan la dhaceen, xili uu ku sugnaa bartamaha magaalada Boosaaso.

Goobjoog News