U bood dhigaalka

Maxkamadeynta Soomaali Ku Xiran India Oo Dib u Dhacday Labo Todobaad

Sheeko:Dalka

Safaaradda Soomaaliya ee India ayaa xaqiijisay in muddo Labo todobaad ah ay dib u dhacday maxkamadeynta muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xiran dalka India, kuwaasi oo tiro ahaan gaaraya 119 ruux.

Iglan Maxamed Saalax oo ah safiirka India ee Soomaaliya oo la hadashay Goobjoog News, waxay sheegtay in shalay oo Jimco ahay ay dib u dhacday maxkamadeynta dadkaasi.

Sababta dib u dhaca maxkamadeynta dhallinyaradan Soomaaaliyeed ee ku xiran dalka India ma aaney faah faahin, balse waxay sheegtay oo kaliya in tani fursad muhiim ah u tahay ka safaarad ahaan oo ay isku sii diyaarinayaan.

Safiir Iglan waxay sheegtay in dadaal badan ay bixinayaan safaaradooda, islamarkaana qareennada ay u qabteen dadkaasi xiran ay hayaan caddeymo badan oo inta badan dadkaasi lagu badbaadin karo.

Dhowaan ayaa warbaahinta dalka India waxay shaaca ka qaadeen in maxkamad ku taalla dalka India ay dil toogasho ah ku xukuntay 50 qof oo Soomaaliyeed, taasi oo keentay in  shacabka Soomaaliyeed meel walbo oo ay dunida ka joogaan ka kacaan  oo ka mudaaharaadaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa iyana ka hadashay arrintan, waxayna dowladda sheegtay inuu socdo heshiis ay dowladda India la galeyso kaasi oo ku aadan in dadka ku xiran India lagu soo wareejiyo gudaha dalka.

Goobjoog News