U bood dhigaalka

Mdaxweyne Waare “Waxaa Socda Wejiga Labaad Ee Gurmadka B/weyne”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in ay haatan wadaan wejiga Labaad ee u gurmashada dadka uu saameeyey fatahaadda Wabiga Shabelle.

Waare ayaa tilmaamay in uu dhammaaday wejigii Koowaad ee gurmadka, kaasi oo ahaa badbaadinta dadka, wejiga Labaadna yahay dhanka Samofalka.

“Gurmadka Fatahaadda wuxuu ahaa Saddex weji, kan Koowaad wuxuu ahaa badbaadinta dadka wuuna inoo dhammaaday, waxaan hadda ku jirnaa wejiga Labaad oo ah Samofalka, xagga cuntada, xagga biyo dhaaminta, hoyga, daawada, nadiifinta magaalada, Todobaadkan ama kan dambe waxaan rajeeneynaa inuu inoo dhammaado, waxaana bilaabi doonnaa wejiga Saddexaad oo ah dib u kabashada, waxaan u baahannahay in la fuliyo Shan Mashruuc oo arrintaasi wax looga qaban karo oo ugu horreeyo Garoonka diyaaradaha in laga shaqeeyo rajo fiicanna waan leenahay” ayuu yiri madaxweynaha Hirshabelle.

Magaalada B/weyne waxaa weli ka soconaya dedaallada loogu gurmanayo shacabka uu saameeyey fataahadda Wabiga Shabelle.

Goobjoog News