U bood dhigaalka

Mexico: 149 Qof Oo Ku Dhimatay Dhul Gariir Ka Dhacay

Sheeko:Dalka

Dhul-gariir weyn oo ku dhuftay bartamaha dalka Mexico ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya 149 qof halka tobaneeyo kale ku dul-burbureen dhismayaal magaalada ah.

Garoonka diyaaradaha Mexico  ayaa joojiyey shaqadiisa ka dib dhul-gariirka dhacay kaasi oo awoodiisa lagu qiyaasay 7.1 Richter.

Kooxaha gurmadka deg-degga ah ayaa waxay wadaan dadaalo lagu baadi goobayo in dhismooyinka hoostooda ay ku jiraan dad nool,halka wararka qaar ay sheegayaan in dhismaha hoostiisa ay ku go’doonsanyihiin arday ku jirtay Iskuul oo uu dhismaha ku soo dumay.

Waxaa laga cabsi qabaa in ay dad ku jiraan  dhismooyinka hoostooda kooxaha wax badbaadiya ayaa waxay u cararayaan goobaha ay ka jiraan dhibaatooyinka badan.

Horaantii bishaan ayaa dalkaani waxaa ku dhuftay dhul gariir kaasi oo gaarayay ama lagu qiyaasay awoodiisa 8.1 Richter,waxaana ku dhintay ugu yaraan 90 qof.

Dhul gariirkaan ayaa waxaa uu keenay ugu yaraan labo milyan oo qof in ay ka go’aan korantada iyo laymanka isgaarsiinta.

Mas’uuliyiinta ayaa waxay uga digayaan muwaadiniinta cabista sigaarka,kaasi oo keeni karo inuu kaco dab maadaama dhuumanka shidaalka ay meesha yaalaan.

Goobjoog News