U bood dhigaalka

Meydad Laga Helay Wabiga Shabelle

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in saakay la helay Meydadka Labo ka mid ah Sideed qof oo lagu weysanaa Wabiga Shabelle, kadib markii shalay ay la rogmatay doon ay la socdeen, xilli ay u gurmanayeen shacab dhibaateysan.

Sida ay inoo sheegeen dad ku sugan B/weyne, waxaa la helay Meydadka Labo qof oo mid ka mid ah la sheegay inuu kamid ahaa ganacsatada deegaanka, halka Meydka kale weli la garan la yahay, sababo la xiriira wejiga oo burbur kasoo gaaray.

Waxaa hadda Meydadkan loo soo wadaa dhanka B/weyne, maadaama laga soo helay tuulooyin ku dhow magaaladaasi.

Waxaa socda dedaal xooggan oo ku saabsan sidii loo heli lahaa dadka lagu la’ yahay Wabiga Shabelle.

“Fadlan Ka Qeybqaado Gurmadka Loo Sameynayo Shacabka B/weyne”

Goobjoog News