U bood dhigaalka

Meydadka Rag La Sheegay Iney Ka Tirsan Yihiin Al-shabaab Oo Lagu Soo Bandhigey Baydhabo

Sheeko:Dalka

Taliska booliiska Koonfur Galbeed ayaa goor dhow magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay kusoo bandhigey Meydadka 5 nin oo ay sheegeen iney ka tirsanaayeen Xarakada Al-shabaab.

Wasiirka hub ka dhigista iyo dhaqan celinta Maleeshiyaadka maamulka K/galbeed Xasan Xuseen Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in raggan ay ku dileen weerar ay ciidamada gaarka ah ee Booliiska K/galbeed ku qaadeen dagaalyahanno Al-shabaab ah oo ku sugnaa deegaanka Seydheelow oo qiyaastii dhanka Waqooyi 30-km kaga beegan magaalada Baydhabo.

Waxa uu sheegay wasiirka in ciidamada K/galbeed ay la dagaallameen dagaalyahannada Al-shabaab, islamarkaana dhankooda aanu jirin wax khasaare ah oo soo gaarey.

Xarakada Al-shabaab dhankeeda kama aaney hadal in 5-ta qof ee Meydadkooda lagu soo bandhigey Saldhigga Baydhabo ay iyaga ka tirsan yihiin iyo in kale.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News