U bood dhigaalka

Meydadka Soomaalidii Lagu Duqeeyay Badda Yemen Oo Weli La Aasin Iyo Baaq Loo Direy Madaxweyne Farmaajo

Sheeko:Dalka

Ehlada dadkii Soomaaliyeed ee lagu laayay badda Yemen oo horay dowladda Federaalka Soomaaliya uga codsaday in dowladda Yemen ay kala hadlaan sidii dadkooda lagu dilay badda dalkaasi lagu aasi lahaa ama loogu soo wareejin lahaa ayaa  hadda waxay sheegayaan  in weli wax jawaab rasmi ah aaney Helen islamarkaana dadkaasi aan weli la aasin.

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen ayaa horey u sheegtay iney ku dadaalayaan sidii dadkaasi loo aasi lahaa, inta dhaawacana caafimaad loogu raadin lahaa.

Qaar kamid ah ehladan oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in niyad jab ay ku abuurtay markii ay maqleen in meydadka aan lagu hayn qaboojiyo awood leh, taasi oo keeni karta in Meydka muddo aan lasii hayn karin.

Sahra Cabdi oo ah hooyada dhashay Marxuumad Samsam Cabdi Axmed oo 20 sano jir ahayd, kana mid ahayd 42 qof ee lagu dilay doonidii ay la socdeen ayaa inoo sheegtay in weli meydadka aan la aasin.

“Dadkii lama duugin, Meydadkii meeshoodii bay yaalaan, wax nala soo xiriiray maleh, waxaa la igu yiri habeen dhexdaasi gabar baa lasoo hadashay reer Garoowe ku sugan oo ubad ka dhintey, gabadhaasi waxay tiri meydkaasi qaboojiyayaal koronteysan oo ay ku jiraan ma jirto, aagga dhaqtarka urka kasoo baxaya Meydka ayaan lala geli karin”

Madaxweyne Farmaajo oo Todobaadkan booqday dalka Imaaraadka ayaa madaxda dalkaasi kulankii uu la yeeshay waxaan lagu soo darin arrinta ku aadan Soomaalida la laayay, waxayna tani walaac kale ku abuurtay ehladan cabanaya oo markii hore filayey in ugu yaraan madaxweynaha uu arrrintaasi kulankaasi kusoo qaadi doono.

Ehlada dadkan lagu laayey Badda Yemen ayaa weli waxay codsanayaan in war laga siiyo dadkooda islamarkaana loo aaso sida uu Goobjoog u sheegay Cali Ibraahim Diiriye.

“Annagu baaqa waan u jeedinnay dowladda Soomaaliya, waxaan ugu baaqnay in loo shaqeeyo dadkaa Meydka ah ee meesha yaalla iyo dadkaa kale ee xiran, waxaan ka codsaneynaa Farmaajo inuu xuquuqda maqan ee dadkaasi inoo raadiyo oo aanu ka aamusin” sidaasi waxaa yiri Cali Ibraahim.

Ugu dambeyn Hay’adda Xaquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa qoraal ay soo saartay waxay dowladda Imaaraadka carabta usoo jeedisay iney caddeyso ineysan ku lug lahayn dilka dadkaasi loo geystay, iyadoo Imaaraadkuna qeyb ka yahay ciidamada Sacuudiga hoggaaminayo ee dagaalka kula jiro xuutiyiinta Yemen.

17-kii March 2017, diyaaradaha dagaalka Isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga ayaa gantaal ku dhuftay doon ay la socdeen Muwaadiniin Soomaaliyeed oo kasii baxayey Yemen, waxaana halkaasi ku dhintey in ka badan 40 qof oo Soomaali ah,  kuwaasi oo aan weli Meydkooda la aasin.

Goobjoog News