U bood dhigaalka

Meydka Ciyaariyahan Cumar Muumin Oo Lagu Aasay Afgooye

Sheeko:Dalka

Cumar Muumin Zimbabwe  oo kamid ahaa ciyaartooydii kooxda Elman ee Muqdisho oo habeenkii xalay dhaawac uu qabay ugu geeriyooday isbitaalka madiina ayaa maanta lagu aasay magaalada Afgooye ee Shabellaha Hoose.

Aaska marxuumka waxaa ka qeyb galay inta badan ciyaartooyda degmada Afgooye iyo qeybaha kala duwan bulashada magaaladaasi.

Marxuumka dhintay xalay ayaa dhaawac 22-kii bishii May ee sanadkaan, kadib markii gaari uu saarnaa ay koox hubeysan ay ku rasaaseeyeen degaanka ceelasha biyaha ee u dhexeysa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Isla habeenkii kooxda hubeysan ay rasaasta ku fureen gaarigan ay la socdeen waxaa halkaasi ku dhintay Macallin Yuu oo kamid ahaa macallimiinta kooxda bariga dhexe ee Afgooye ka dhisan.

Dhanka kale waxaa dhaawac halis ah la jiifa C/laahi Maxamed Mayo woo ka tirsan kooxda bariga dhexe ee heerka Koowaad kaasi oo kamid ahaa ciyaartoydii weerarkaasi ku dhaawacantay.

Goobjoog New