U bood dhigaalka

Meydka Ganacsade Cismaan Dheere Oo Lagu Aasay Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxaa maanta lagu aasay Allaha u naxariistee Ganacsade Cismaan Dheere oo xalay rag hubeysan ku dileen magaaladaasi.

Boqolaal shacab ah iyo mas’uuliyiinta maamulka Puntland ee gobolka Mudug ayaa ka qeybgalay aaska marxuumkaasi.

Aaska kadib waxaa saxaafadda la hadlay guddoomiyaha gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliif oo ka tacsiyeeyay geerida marxuumka isaga oo dhanka kale sheegay in falkii xalay dhacay ahaa mid aad looga xumaado.

Waxa uu Guddoomiyaha ugu baaqay dhammaan shacabka ku dhaqan gobolka Mudug inay u istaagaan sidii looga shaqeyn lahaa nabadda iyo sidoo kale in la muujiyo isku duubni si meel ay uga soo wada jeestaan dadka dhibaatadaasi wada.

“Maamulka waxaa ka indho badan dadweynaha, waxaa la rabaa inaan meel uga soo wada jeedsanno dadkaasi oo la diriraya sidii aan u noolaan lahayn, waxaa dhibaato ah in dad dil geysanaya hadane aan la aqoon”

Cismaan Dheere ayaa ka mid ahaa ganacsatada ugu caansan ee gobolka Mudug, waxaana xalay lagu dilay waqooyiga magaaladaasi xilli uu masjid kasoo baxayey, iyadoo raggii dilay ay halkaasi ka baxsadeen.

Goobjoog News