U bood dhigaalka

Meydka Madaxweynihii Hore Ee Puntland Oo Lagu Aasay Boosaaso

Sheeko:Dalka

Meydka madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Jeneraal Cadde Muuse ayaa maanta oo Talaado ah waxaa lasoo gaarsiiyey magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Diyaaraddii siddey Meydka oo kasoo amba baxday dalka Imaaraadka Carabta ayaa kasoo degtay garoonka Boosaaso, halkaasi oo ay ku sugnaayeen mas’uuliyiinta sare ee maamulka Puntland iyo xubno ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Meydka ayaa lagu aasay isla Boosaaso, waxaana dhammaan mas’uuliyiintii aaskaasi ka qeybgashay ay u duceeyeen marxuum Cadde Muuse.

8-dii bishan ayuu Jeneraal Cadde Muuse ku geeriyoodey Imaaraadka Carabta halkaasi oo uu ku xanuunsanayey.

c4 c3 c2 c1

Goobjoog News