U bood dhigaalka

Meydka Marxuum Cabdi Xaaji Goobdoon Oo Muqdisho Lagu Aasay

Sheeko:Dalka

Waxa Magaalada Muqdisho  lagu aasay  Alaha u Naxariistee Wariyihii gaarka  ee Jaalle Maxamed Siyaad Barre ahaana Rug Cadaa  dhanka warbaahinta Marxuum Cabdi Xaaji Goobdoon.

Marxuum Cabdi Xaaji Gobdon ayaa sidoo kale waxa uu   ahaa La Taliyaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dhanka arrimaha warfaafinta.

Aaska marxuumka waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, warfidiyeenka, ururrada bulshada iyo dadyow kale.

Jeneraal Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo kamid ahaa masuuliyiintii ka hadashay madasha aaska ayaa sheegay inuu ka xun yahay geerida ku timid Marxuumka isla markaana uu ahaa Cabdi Xaaji Gobdoon muwaadin wax badan lagu xasuusanayo.

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka tacsiyeeyay geerida Goobdoon, sheegayna in Soomaalida oo dhan uu ka geeriyooday.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa ka mid ah madaxda ka tacsiyeeysay geerida marxuumka, iyaga oo sheegay in uu ahaa tiir ay tabi doonto umadda Soomaaliyeed.

Goobjoog News