U bood dhigaalka

Meydka Marxuum Maxamed Cali Samatar Oo Maanta Lagu Aasayo Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Maanta oo Khamiis ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho la keeno Meydka Marxuum Sarreeye Guud Maxamed Cali Samatar oo dhowaan ku geeriyooday wadanka Maraykanka.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay u sheegay in aas qaran loo sameyn doono Marxuum Maxamed Cali Samatar.

Jeneraalka ayaa kamid ahaa saraakiisha ugu sarreysay Soomaaliya ee xagga ciidannimada waxaana uu xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdii Kacaanka.

Waxaa la xasuustaa inuu Sarreeye Guud Samatar uu soo noqday Madaxweyne ku xigeen, Ra’iisul Wasaare iyo wasiirka gaashaandhigga ee dowladdii Kacaanka ee dalka ka talinaysay 21 sano.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News