U bood dhigaalka

Meydka Qof Shacab Ah Oo Laga Helay Duleedka Degmada Mahadaay Ee Shabellaha Dhexe

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Mahadaay ee gobalka Shabellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in duleedka degmadaasi laga helay Meydka qof shacab ah oo illaa iyo haatan la garan.

Meydka oo qofkaan ayaa wararku waxay sheegayaan in jirkiisa ay ka muuqato rasaas, sidoo kalena Labada gacan uu ka xirnaa.

Xaaji Saalax oo ah gudoomiye ku xigeenka degmada Mahadaay ayaa u sheegay Goobjoog News in Meydka ay aasayaan, islamarkaana aysan ogeyn cidda dilkiisa ka dambeysa.

Dhinaca kale Xarakada Al-shabaab ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay dagaal kusoo qaadeen degmada Mahadaay, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal saacado socday.

Gudoomiye ku xigeenka oo arrintaasi wax ka weydiinnay waxa uu sheegay in dhankooda aan wax khasaare ah soo gaarin, islamarkaana ay Al-shabaab iska difaaceen waa sida uu hadalka u dhigaye.

Goobjoog News