U bood dhigaalka

Meydka Taliyahii ciidanka Booliiska oo dib loogu soo celiyay Muqdisho ka dib baaritaan lagu soo sameeyay

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta magaalada Muqdisho dib loogu soo celiyay Meydka Allaha u naxariistee Taliyahii ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil oo Khamiistii lasoo dhaafay ku dhintay Magaalada Muqdisho.

Meydka ayaa lagu soo baaray dalka Kenya ka dib markii uu soo baxay tuhun ah in la sumeeyay, hase ahaatee waxaa lasoo xaqiijiyay in aan la sumeyn oo uu u dhintay xanuun haayay.

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho waxaa kusii sugnaa mas’uuliyiin ka mid ah Labada Gole ee dowladda Soomaaliya, saraakiisha ciidamada Booliiska, iyadoona halkaasi lagu garaacay astaanta Qaranka Soomaaliyeed.

Meydka ayaa saacadaha soo aadan lagu wadaa in lagu aaso xarunta Iskool Boliisiyo ee Magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb gali doona aaska mas’uuliyiin ka mid ah dowladda Soomaaliya.

Goobjoog News