U bood dhigaalka

Meydka taliyahii ciidanka Booliiska oo loo qaaday Magaalada Nairobi si baaritaan loogu sameeyo (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Meydka Allaha u naxariistee Taliyahii ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Sheekh Ismaaciil ayaa maanta loo qaaday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wararka aynu helayno ayaa waxay sheegayaan in halkaasi lagu soo baari doono, maadaama si deg deg ah uu ku dhintay, iyadoona taa dowladda tuhun gelisay.

Waxaa Meydka diyaaradii qaaday horay u raacay saraakiil ka mid ah ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

In baaritaankaan loo qaado meydka ayaa ka dambeysay ka dib markii ay soo baxeen tuhunno la xiriira in dhimashada Taliyaha ay sabab leedahay, waxaana jiray warar badan oo magaalada soo galay.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed ayaa u magacaabay guddi baaritaan ku sameeya sida uu taliyaha u dhintay, waxaana jira warar kala duwan oo kasoo baxaaya geerida Taliyaha.

Nairobi ayaa lagu soo kala cadeyn doonaa sababta uu u dhintay taliyahii ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, ka dib shalay markii si lama filaan ah loo shaaciyay in taliyaha uu dhintay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa si isku mid ah uga tacsiyadeeyay Geerida ku timid Jeneraal Maxamed Sheekh Ismaaciil.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.