U bood dhigaalka

Meydka Wadaad Muslim Ah Oo Laga Helay Magaalada Embu Ee Dalka Kenya

Sheeko:Dalka

embuWadaad lagu magacaabayay Maxamed Cali Kheyr ayaa meydkiisa laga helay Magaalada Embu oo qiyaastii 120 Kiilo Mitir dhanka Waqooyi bari kaga beegan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wadaadkaan Meydkiisa la helay ayaa maalmo kahor waxaa xiray ciidamada dalka Kenya, kuwaas oo la aaday meel aan la garan, hase ahaatee Meydkiisa laga dhex helay goob Biyo ay ku jiraan oo Embu ku taala.

Ciidamada Kenya ayaa wadaadkaan ka xiray magaalada Gaarisa oo 367 Kiiloo Mitir dhanka Waqooyi Bari kaga beegan magaalada Nairobi maalintii Khamiista ahayd.

Arintaasi ayaa keentay hadal hayn aad u badan, waxaana wadaado Muslimiin ah oo ku sugan magaalada Gaarisa ay sheegeen in dilka wadaadkaan ay ka dambeeyaan ciidamada kahortagga Argagaxisada ee ka tirsan Booliiska dalka Kenya.

Dowladda Kenya iyo Saraakiisha ciidamada Booliiska weli wax war ah kama aanay soo saarin Meydka Wadaadkaan ee laga Helay Ambu, maadaama markii ugu dambeysay ay ciidamada Kenya xireen.

Tan iyo Maalintii Axada Markii lasoo sheegay Meydka Wadaadkaan, waxaa magaalada Gaarisa ka kacsan Xiisad ka dhalatay arintaan.

Goobjoog News