U bood dhigaalka

Meydkii Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin Oo Maanta Lagu Aasay Dalka Hindiya

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin oo bishan 18keeda ku geeriyooday dalka Hindiya ayaa maanta lagu aasay degmada Gorgor oo ka tirsan gobolka Haryana ee isla dalkaasi Hindiya.

Hadaba, Halkan Ka Akhriso, Taariikhda Marxuum Ciise Caalin oo Kooban.

Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin waxaa uu ku dhashay  Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud. Xildhibaan Bootaan waxaa uu ahaa 59 sano  jir, Hal xaas ayuu ifka kaga tagay,  mana lahayn waxa caruur ah .

Bootaan Ciise waxaa uu 1977-dii ka mid ahaa ciidamada xooga dalka,   isagoo ka soo qeeb galay dagalaalkii 77,  waxaa sidoo kale uu ka mid ah ahaa aasaasayaashii ururka USC.

2004, Dowladii Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayuu kasoo noqday xildhibaan , waxaa loo magacaabay wasiirka Hub-ka dhigista iyo  dhaqan-celinta dhalinyarada.

Dowladdii xigtay ee Sheekh Sharif waxaa uu ka mid ahaa Xildhibaannada TFG-da, waxaa uu isla jagadaasi mar kale helay 2016-kii isaga oo ka mid ahaa Xildhibaannadii lagu soo doortay Galmudug.

Goobjoog News