U bood dhigaalka

Michael Keating: Doorashada Soomaaliya Waa Inay Ku Dhacdaa Waqtigii Loogu Tala Galay

Sheeko:Dalka

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo ka hadlay gabagabada shirkii shalay ku dhamaaday magaalada Istanbul ee Turkiga ayaa sheegay in shirka intii uu socday ay kaga wada hadleen qaab waddo cusub oo xal loogu heli karo Soomaaliya, islamarkaana lagu garab istaagi karo shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu tilmaamay in amniga oo aad loo adkeeyo iyo sidoo kale adeegyada dowladda oo la wanaajiyo ionay horseed u yihiin in la helo Soomaaliyadana xilligaan la raadinayo waa sida uu hadalka u dhigaye.

Sidoo kale  Michael Keating ayaa ku baaqay in doorashada dalka la filayo in sanadkaan dhacdo aanay dib uga dhicin waqtigii loo ballansanaa ee ahayd August.

“Ammaanka oo la adkeeyo iyo adeegyada dowladda oo la wanaajiyo waxay aas aas u yihiin si loo helo Soomaaliyada la doonayo, loona gaaro ulajeedka Soomaaliya laga damacsan yahay ee ah nabadda iyo xasiloonida, doorashada Soomaaliya waa inay dhacdaa waqtigii loogu talagalay ee August 2016” ayuu yiri  Michael Keating

Sidoo kale Keating ayaa carabka ku adkeeyay in lagama maarmaan ay  tahay in Soomaaliya ay aragti dheer u yeelato mustaqbalka fog, iyo sidii looga gudbi lahaa dhibaatooyinka bulsho, dhaqaale, bini’aadannimo intii laga fikiri lahaa waxyaabo gaaban ama dano gaar ah.

War-murtiyeedkii laga soo saaray shirka Istanbul waxaa ku jiray qodobo aad u muhiim ah sida dhismaha baarlamaanka cusub ee soo socda, maalgashiga Soomaaliya, ka shaqeynta nabadda iyo dowlad wanaagga iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Goobjoog News