U bood dhigaalka

Michael Keating: Haku Dhammaado Xilka Madaxweynaha 6-da November (GAAR AH)

Sheeko:Dalka

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael  Keating ayaa sheegay in loo baahan yahay 6-da bisha November 2016 in uusan xil sii hayn madaxweynaha hadda dalka ka jira ee Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo tilmaamay in baarlamaanka iyo dowladda hadda jirta xilligaa wixii ka dambeeya aanay lahaan doonin awood ay ku qaataan go’aamada waaweyn.

Warqad ay heshay Goobjoog News ayaa ergayga Qaramada Midoobay wuxuu ugu yeerayaa madasha Hoggaanka Qaranka oo lagu wado inay kulmaan Todobaadkan gudahiisa iney kusoo saaraan taariikhda ay ku egtahay xilliga madaxweyne-nimo.

“Hoggaanka madasha Qaran waa in ay la yimaadaan Taariikh caddeynaysa xilliga uu ku egyahay waqtiga Madaxweynaha iyo Xukuumadda, waxaan soo jeedineynaa in aysan ka qaadan muddo ka badan Hal Todobaad in lagu kala caddeeyo iney dhaceyso doorashada madaxtinimo 30 October, waxaana rabnaa in xilligii la isku aqbalay ee kama dambeysta ahaa uu dhaqan galo, iyadoo laga gun gaaraya dowladda Federaalka iyo baarlamaanka inaysan qaadanin go’aamo waaweyn xilligaa wixii ka dambeeya”

Waqtiga Sharci Ahaanshiyaha Madaxweynaha Iyo Baarlamaanka

Hoggaanka madasha qaran ayaa shaaciyey in uu madaxweynaha kusii nagaan doona xafiiskiisa illaa doorashada madaxtinimada ay ka dhacdo 30 October ee Sanadkaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilliga uu haynayo sharciyan wuxuu xilka ugu egyahay 10-ka September oo ka harsan Afar Maalin oo qura, halka Baarlamaanka Federaalka uu ka dhammaaday waqtiga 19-kii August, inkastoo baarlamaanka uu u codeeyay inay xilka sii hayaan illaa baarlamaanka kale uu ka yimaado.

Warqadda ayaa uga digeysa madasha Hoggaanka qaran in mar dambe aanay wax dambe oo wadatashi ah ka gelin habka qabashada doorashada dalka iyo sidii lagu soo xuli lahaa aqalka sare, taas oo ay ku jirto qaababka doorasho.

Dhibaateyn Siyaasadeed

Keating oo ka digaya warqaddii kasoo baxday hoggaanka madasha qaran, taa oo ku socotay guddiga doorashada ee heerka gobol ahaydna magacaabistii Maxamed Axmed Xuseen ee la yiri waxa uu matelayaa beesha Reer Aw-xasan ee ku nool Koonfur Galbeed Soomaaliya, taas oo  sababtay khilaaf iyo iska horimaad bulshada rayidka ah.

Ilo wareedyo ku dhow dhow hoggaanka madasha qaran ayaa Goobjoog u xaqiijiyey maagacaabistii Maxamed Axmed Xuseen iney ahayd dhibaateyn siyaasadeed, taas oo loola dan lahaa in lagu ilaaliyo danaha madaxweyne Xasan Sheekh iyo saaxiibadiisa gobolka Hiiraan.

“Waa wax iska caadi ah in la magacaabo Oday dhaqameed matalaya beelaha ku kala firirsan gobollada dhammaantood, laakiin mas’uuliyadda ah oday dhaqameed ma quseyso madaxweyne ama hoggaamiye kaleba, mana ahan wax ku habboon dhaqanka” sidaasi waxaa Goobjoog News u sheegay qof codsaday in aan la magacaabin.

Habka Xallinta Khilaafaadka

Warqadda ayaa waxay ka codsaneysaa hoggaanka madasha wadatashiga qaran in ay siiyaan Qaramada Midoobay kaalin lana yimaadaan qaabka lagu xalliyo khilaafyada jira, iyadoo laga codasanayo dadka ay quseyso inay magacaabaan guddi u qaabeysan xallinta khilaafaadkaas.

Lacagaha cabashada musharaxa ayaa ergayga Qaramada Midoobay wuxuu u soo jeediyey madasha Hoggaanka Qaranka inay isku raacaan iney lacagtaa bixiyaan dadka shaaciyey in ay u taagan yihiin madaxtinimada baarlamaanka iyo Ergada wax dooraneysa si loo yareeyo tirada dadka cabanaya.

Ergayga Qaramada Midoobay ayaa wuxuu soo jeediyey in madaxda maamul goboleedyada hadda jira iyo kuwa imaan doona ay xulista musharaxiinta aqalka sare ay ku daraan ugu yaraan 3 kursi oo haween ah kuwaasi oo u tartami doona xilka aqalka sare.

Hoggaanka madasha qaran ayaa waxay isugu jiraan Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid, Guuddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari,  Afarta Hoggaamiye ee maamul goboleedyada kala ah Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, waxaa sidoo kale warqadda magaciisa lagu xusay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte.

Goobjoog News