U bood dhigaalka

Michael Keating Oo Ammaanay Go’aankii Madaxweyne Xasan Sheekh

Sheeko:Dalka

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa ammaanay tillaabadii madaxweyne Xasan Shiikh uu ka qaatay nidaamka doorashada sanadkan dhacaysa isagoo xusay inay tahay arrin muhiim u ah danaha qaranka.

Wareysi gaar ah oo Keating uu siiyey Goobjoog News ayaa ku sheegay in amarkii ka soo baxay madaxweyne Xasan Shiikh ee ku aaddanaa doorashada ay lagama maarmaan u tahay waqtiyeynta doorashada islamarkaana ay xoojineyso kobaca siyaasadeed ee dalka.

”Waxaan isleeyahay waa tillaabo aad u wanaagsan maxaa yeeley in lagu qabto doorasho waqtigii loogu talagalay ee sanadkan ayaa muhiim u ah rajada ummadda Soomaaliyeed ay ka qabto doorashadaas  sidoo kalena in horey loo sii wado safarka lagu gaarayo siyaasadda xilliga fog ee Soomaaliya lana helo taageero heer caalami ah ayuu yiri mr Keating”.

Wakiilka gaarka ah ee qaramada midoobay Keating wuxuu sheegay in ansixinta nidaamka doorasho ee dalka ee madaxweynuhu sameeyey  ay timid kadib markii uu arkay waqtiga sii dhamaanaya sidoo kalena uu dareemay in baarlamaanku aysan doonayn in heshiis laga gaaro arrimaha la isku hayo ee dhinaca doorashada dalka.

“Waa iska caddahay in baarlamaanku uusan dooneyn inuu ka gaaro heshiis nidaamka doorasho ee sanadkan 2016-ka dalka ka dhacaysa maxaa yeeley waxaa ka dhex jira xubnaha baarlamaanka qilaafaadyo badan oo dhinaca nidaamka doorasho ee dalka ah waan arrin qaran marka si loo illaaliyo waqtiga waxaan u maleynayaa in madaxweynuhu uu qaatay doorkaas ayaa yiri wakiil Keating”.

Keating si kastaba ha ahaatee wuxuu sheegay in Qaramada Midoobay ay garab taagan tahay baarlamaanka maadaama uu yahay xubin dastuuri ah oo qaranku leeyahay laakiin wuxuu rajo xumo ka muujiyey inaysan hal meel wax isugu keeni Karin si ay heshiis uga gaaraan nidaamka doorasho ee dalka ka dhacaysa bisha Agosto.

“Annaga qaramada midoobay ahaan aad ayaan u garab taagan nahay baarlamaanka iyo doorka baarlamaanka ayuu intaas raaciyey”.

Wakiilka gaarka ah ee qaramada midoobay wuxuu sheegay inay adagtahay in la fahmo caqabadaha soo food saaray baarlamaanka si ay heshiis u gaaraan wuxuu yiri waqti lagu daro xilliga doorashada waxay keliya sii adkeyneysaa oo mid aan dhamaaneyn ka dhigeysaa doodda ku aaddan doorashada.

“Waa fursad la lumiyey laakiin qiyaas kama bixin karo caqabadaha keenay in baarlamaanku uusan isku dayin inuu heshiis ka gaaro sharciga nuuca doorasho ee dalka laakiin su’aashu waxay tahay dhab ahaantii haddii la siin lahaa xataa usbuuc ama bil dheeri ah dadka qaar waxay dhihi lahaayeen waqti ka badan ayaan u baahannahay iyagoo aan waxba isku raaci lahayn ayuu yiri mudane Keating.

Wakiilku wuxuu sheegay si horey loogu socdo waxaa weli jira arrimo badan oo ay tahay in wax laga qabto dhammaan dadka ku lugta lehna aysan ka nasan illaa doorashooyinka lagu guuleysto lana dhameystiro.

Doorashooyinka aqalka sare ayaa lagu wadaa inay dhacaan bisha July halka aqalka hoose ay dhici doonaan bisha Agosto labada aqal ayaana si wadajir ah u fariisan doona una dooran doona madaxweynaha cusub bisha September.

Mr Keating wuxuu sheegay in loo baahanyahay tillaabooyin dhab in la qaado si loo xaqiijiyo in doorashooyinkaas ay u dhacaan waqtigii loogu talagalay wuxuuna intaas ku daray in la dhiso qeybaha wax dooranaya ee heer gobol iyo heer federaal iyo weliba dadkii xallin lahaa qilaafaadka.

Arrimaha kale ee mudane Keating uu ka dhawaajiyey waxaa ka mid ah  tirada maalmaha ay haystaan dadka  dooranaya  xildhibaanada aqalka hoose iyo qaabka lagu xaqiijinayo kootada ama qeybta 30% ee haweenku ku leeyihiin labada aqal.

Marka si loo eego Keating wuxuu xusay inay jiraan arrimo farsamo  dhinaca kale aysan ka marnayn in laga yeesho doodo siyaasadeed.

Keating wuxuu ugu baaqay kulanka madasha qaran ee ka dhacaya Garowe, Puntland dabayaaqada bishan May in lagu xalliyo dhammaan arrimaha taagan iyadoo loo marayo nidaam cad “ waxaan rajeynayaa inuusan dib u dhac imaan doonin iyadoo nidaamka lagu dhisayo dhammaan xubnaha loo baahanyahay inay isha ku hayaan uu yahay mid cad haddii kale arrinto waa adkaan doontaa ayuu yiri wakiilka gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating.

Goobjoog News