U bood dhigaalka

Michael Keating Oo Ka Hadlaya Guulaha Soomaaliya Ee 2017

Sheeko:Dalka

Hadal Qoraal ah oo ku aaddan Dhamaadka Sanadka oo uu soo saaray Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Michael Keatin, waa uu u qornaa sidan:

Dadka Soomaaliyeed waxaa heysta qaar kamid ah xaaladaha noloeed ee ugu adag adduunka. Malaayiin ayaa dadaal ugu jirta sidii ay ula qabsan lahaayeen cawaaqibkii ka dhashay abaarta. Amni darradu waa xaqiiqo nololeed oo heysata qof kasta. Sanadka 2017ka wuxuu soo maray xilliyo badan oo aad u khatar badan, oo ay kamid ahayd qarixii khasaaraha ba’an geystay ee 14kii Oktoobar kaas oo galaaftay nolosha dad aad u badan.

Laakiin inkastoo ay jiraan caqabadahaas waaweyn, ayaa sanadka 2017ka wuxuu soo arkay oo uu soo maray horumar dhab ah. Arrimahaas waxay mudanyihiin in wax laga tilmaamo maadaama warar xun oo kaliya la maqlo kuwaas oo qabsaday tebinta warbaahinta isla markaana hoos u dhigaya sumcadda Soomaaliya.

Sadankii lasoo dhaafay waxaa laga hortegay [inay dillaacdo] macluul, dowladda ayaa ku mahadsan dadaallada ay hormuudka u ahayd oo ay ka qaybqaateen ganacsatada, ururada bulshada iyo qurbajoogta. Deeqbixiyeyaasha caalamiga ah ayaa si aan caadi ahayn u ahaa kuwo deeqsi ah. Hay’adaha gargaarka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay, hay’adaha aan dowliga ahayn ee maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah (NGO-yada) ayaa qabtay hawl qiimo badan oo [gargaar] lagu gaarsiinayo dadka u baahan, oo ay ku jiraan malaayiin barakacayaal cusub ah.

Sanadka 2017ka waxaa si nabad ah loo wareejiyay awooddii/xilkii madaxweyne. Waxaa la asaasay Aqalka Sare, oo matalaya gobollada. 80 xubnood oo haween ah ayaa kuraas ka helay baarlamaanka, kuwaa oo isku darka tiradooda labada aqal ay noqonayso 24 boqolkiiba waana wax qiimo badan.

Dowladda Federaalka ah ee cusub waxay billowday tiro is-bedello ah oo haddii la raaco/dhaqangeliyo sanadka soosocda, ballanqaadaya in inay hagaajiyaan nolosha dadka. Is-bedelladaas waxaa kamid ah heshiis ay la gaartay Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah oo ku aaddan qaab-sameynta amniga qaran iyo qorshayaal dib loogu dhisayo ciidanka xoogga dalka iyo booliska. Waxaa la ansixiyay hanaan loogu talo galay garsoorka iyo ciidanka asluubta. Waxaa lagu heshiiyay qorshaha horumarinta qaranka – waana kii ugu horreeyay muddo tobaneeyo sano ah.

Dowladda Federaalka ah waxay qaadaysaa tallaabooyin ay dib ugu hagaajinayso canshuur ururinta iyo maareynta dhaqaale. Tallaabooyinkaas waxay dalka usii gogol xaarayaan tubtii uu u mari lahaa cafiska deymaha lagu leeyahay, amaahda la siiyo hay’adaha dowladda iyo waaxda/ganacsiga gaarka loo leeyahay oo kororta, iyo in lacag badan loo helo adeegyada asaasiga ah iyo kaabayaasha.

Baarlamaanku aad ayuu u mashquulsanaa. Sharciyo badan ayaa la meel mariyay, sida Xeerka Isgaarsiinta Qaranka oo ka marqaati kacaya wada-shaqayn heer sare ah oo ka dhexeysa ganacsiyada waaweyn iyo dowladda.

Marka lagasoo tago dareenka siyaasadeed, sanadka 2017ka waxaa sii xoogeysanayay oo sii ballaaranayay wada-shaqaynta ka dhexeysa Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka ha. Tani waxay gacan ka geysanaysaa in waddada loo furo qorshayaal lagu hirgelinayo dib-u-habaynta waaxda amniga, dib-u-eegista dastuurka federaalka ee kumeelgaarka ah, heshiisyada lagu wadaagayo kheyraadka iyo dakhliga, iyo qeexidda hanaanka doorasho oo nooqon doona mid dadka codeynaya tiradoodu aad u badnaan doonto sanadka 2020ka.

Al Shabaab ayaa leh awood ay u adeegsato weeraro culus, oo badanaa ay khasaaro laxaad leh kasoo gaaraan dadka rayidka ah. Kooxdu waxay ka faa’iideysataa oo ay ku awoodeysataa, iyadoo waxyaabo kale ay jiri karaan, maqnaanshaha dowlad maxalli ah oo shaqaysa iyo colaadaha tirada badan ee ka jira dalka. Heshiiskii siyaasadeed ee dhowaan ay kala saxiixdeen Ahlu Sunna Wal Jamaaca iyo maamulka Galmudug ayaa ah horumar aad u wanaagsan, wuxuuna saadaal wanaagsan u yahay horumar laga gaaro dib-u-heshiisiin ka dhacda Gaalkacyo.

Soomaaliya waxay sanadka 2017ka kusii naalooneysaa taageero caalami ah oo heerkeedu sarreeyo, sida uu ka marqaati kacay shirweynihii caalamiga ahaa ee ka dhacay London bishii May, laguna qabtay Muqdisho bisha Diseembar. Ciidamada Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya (AMISOM) waxay dowr muhiim ah, oo ay ku kacayso qiimo badan, ka cayaarayaan ilaalinta qaybo ballaaran oo kamid ah dalka waxayna jawi u abuurayaan dhismaha dowladda.

Sidaas darteed, sanadka 2017ka siyaabo badan ayuu qiimo u lahaa. Laakiin ma jiro qof yareysan karo [ama dhayalsan karo] caqabadaha na hor yaalla, iyo arrimaha hallistooda leh ee sii socda ee dib u dhaca leh oo xattaa khalkhal ku noqon kara horumar dheeraad ah.

Arrimahaas waxaa kamid ah musuqmaasuq baahsan, oo inta badan hareeya siyaasadda, iyo rabitaanka dadka ka dallaala awoodaha [siyaasadeed] oo ah inay colaad u adeegsadaan, ama colaad ugu hanjabaan dadka kasoo horjeeda. Waxaa kale oo arrimahaas kamid ah in la ixtiraami waayo Dastuurka Federaalka Kumeelgaarka ah, sarreynta sharciga iyo xuquuqul insaanka. Waxyaabahaas oo dhan waxay u danaynayaan oo ka faa’iideysanaya xagjiriinta.

Dadka Soomaaliyeed waxay mudanyihiin wax ka badan inay indhaha ka daawadaan oo kaliy in kuwa ugu dhaqaalaha/awoodda badan ay u kala tartamaan dano shakhsiyadeed iyadoo lagu jiro waqti dadka Soomaaliyeed ay heysato xaalad adag iyo amni darro. Dadka da’da yar, gaar ahaan, waxay rajeynayaan wax sidaas ka wanaagsan; waa mustaqbalkooda waxa khatarta ku sugan.

Haddii lagu guuleysan waayo in siyaasadda lagu xiriiriyo horumar la taaban karo, la ixtiraami waayo xeerarka asaasiga ah oo dhamaan bulshada qaybeheeda, oo ay kamid yihiin haweenka, dhalinyarada iyo dadka laga tira badanyahay laga qayb-gelin waayo, ayaa taasi waxay keeni kartaa khatar sii fogeyn karta [dadkaas] iyo niyad wanaagga beesha caalamka oo sii yaraada, iyadoo Soomaaliya ay si weyn ugu tiirsantahay beesha caalamka.

Casharro ayaa laga baran karaa sanadka 2017ka, kuwo wanaagsan iyo kuwo xun intaba. Casharka ugu muhiimsan ayaa noqon kara marka ay wada-shaqeeyaan jilayaasha ugu awoodda badan, haddii ay noqon lahaayeen Dowladda Federaalka ah, Dowlad Goboleedyada, xubnaha baarlamaanka, odayaal dhaqameedyada, ganacsatada ama beesha caalamka, in la gaari karo horumar weyn. Haddii aanay wada shaqyn, in khatartu ballaarantahay.

Waddada loo marayo dhismaha hay’ado la aaminsanyahay oo lala xisaabtami karo iyo dowlad dimoqoraadiyaddeedu saldhigatay ayaanan ahayn waddo sahlan. Karaamada [qabka] iyo dareenka madaxbanaani ee lagu yaqaan dadka Soomaaliyeed ayaa hubanti ka dhigaya in waddadaasi ay noqon doonto mid midabyo badan, qodaxyo badan, is-bedello iyo gad-gadoon yeelan doonta.

Waa in colaadda aanay helin meel ay degto, waana in talinta sharcigu ay sare martaa. Haddii kale waxaa baaba’aya fursadaha lagu abaabulayo is-beheysiyada iyo niyad wanaagga si wax looga qabto caqabadaha na horyaalla – hawlaha bani’aadanimo, dhaqan-dhaqaale, kuwa la xiriira amniga, ama haddii ay ahaan lahaayeen dhismaha hay’ado la aaminsanyahay oo waxyaabo faa’iido leh u qaban kara dadka.

Shakhsi ahaan, rajo wanaagsan ayaan ka qabaa arrimahaas, waxaana  dhiiri-geliyay waxyaabihii qabsoomay ee laga guul gaaray, anigoo ogsoon sida xaaladdu ay weli u tahay mid adag. Fadlan iga guddooma hambalyadeyda ugu wanaagsan ee sanadka cusub, waxaana idiin rajeynayaa nabad, barwaaqo, guul iyo midnimo ka dhexeysa dadka Soomaaliyeed.