U bood dhigaalka

Michael Keating Oo Loo Magacaabay Maamulaha Machadka Nabadda ee EIP

Sheeko:Dalka

Ergeygii gaarka ahaa ee Qaramada Midoobay Soomaaliya Michael Keating  ayaa loo magacaabay maamulka machad Yurub ah oo ka shaqeeya arrimaha nabadda.

Michael Keating oo shaqada la wareegi-doona 5ta November 2018, waxaa uu badalayaa Mr. Martin Griffiths.

The European Institute of Peace(EIP) waa machad nabadda ka shaqeeya oo ku yaallo magaalada Brussels, shaqaalaha joogtada ah waxaa ay gaarayaan 31 qof, miisaaniyadiisa waa 9 Milyan oo euros.

Machadka waxaa uu la sheeqeeyaa xukuumadaha, bulshada rayidka, waxaa ay olog yihiin midowga Yurub iyo dalalka Yurub, waxaa uu dhiirigeliyaa wada hadallada aan tooska aheyn, waxaa ay sidoo kale faraha la galaan xalinta khilaafaadka iyo dhexdhexaadintooda.

2026- ilaa September 2018, Michael Keating waxaa uu ahaa ergeyga  gaarka ah ee Qaramada Midoobay Soomaaliya, isaga oo muddada uu joogay wax badan ka qabtay arrimaha Soomaaliya.

Inta aanu Soomaaliya iman, waxaa uu UNKa kala soo shaqeeyay Kabul, Lilongwe, Jerusalem, New York iyo Geneva.

Goobjoog News