U bood dhigaalka

Michael Keating Oo Walaac Ka Muujiyey Dib u Dhaca Ku Yimid Doorashooyinka Dalka

Sheeko:Dalka

Qaramada Midoobay ayaa niyad xumo  ka muujisay dib u dhaca mar kale ku yimid doorashada madaxweyne iyo midda baarlamaan ee Soomaaliya, waxayna sheegeen inay muuqaneyso rajo ah inay qabsoonto doorasho ku dhacda si caddaalad ah oo la aqbali karo.

Wakiilka gaarka ah ee qaramada midoobay ee Soomaaliya Michael Keating ayaa sheegay in qaramada midoobay ay ka walaacsan tahay dib u dhaca doorashada.

“Dib u dhaca hadda yimid wuxuu keenayaa cabsi badan, aan labo ka magacaabo, in geeddi socodkan uu yahay mid qaabsiyaasadeysan loo maamulay iyo in dib u dhacan uu yahay mid ka mid ah dib u dhacyo is xigxigay oo horay u dhacay”  ayuu yiri M r keating isagoo intaas ku daray in la sii wado qaabkii ay u dhici lahayd doorasho si cad oo la wada arki karo u dhacda lagana faa’iideysto waqtiga dheeriga ah ee la haysto.

Isniintii ayaa guddiga doorashada ay ku dhawaaqeen inay dib u dhigayaan doorashooyinka lana gaarsiinayo bisha October illa bisha November sababa dhinaca ammaanka la xiriira dartood iyo dhibaatooyinka dhinaca maamulka ah.

Cumar Maxamed Cabdulle, oo ah guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa sheegay in doorashda madaxtinimo ee dib loo dhigay ay dhici doonto 30 bisha November halka doorashada baarlamankana ay dhici doonto 23-ka bisha October illaa 10-ka November iyadoo doorashada madaxweyneynaha markii hore lagu waday inay dhacdo bishii August.

Soomaaliya oo lagu waday inay ka qabsoomaan sanadkaan doorashooyin qaran ayaan weli ku guuleysan inay suuratgeliso doorasho dadka Soomaaliyeed dhammaantood ay ka wada qeybqaataan.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya C/salaan Cumar oo ka hor hadlayey golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u sheegay diblomaasiyiintii halkaas joogay sida dowladda Soomaaliya ay uga go’antahay qabsoomidda hannaan doorasho oo loo dhan yahay taas oo u dhacda si caddaalad ah sanadkan 2016-ka.

Wasiirka ayaa sheegay in arrimaha la xiriira dib u dhaca doorashooyinka ay sabab u yihiin baahida loo qabo in madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada dalka inay soo magacaabaan murashaxiintii u matali lahayd aqalka sare, heshiisyada odayaal dhaqameedyada gobolada qaarkood iyo walaac laga qabo ammaanka qeybo ka mid ah dalka halkaasoo xarakada Alshabab ay gacanta ku hayso.

Xarakada Alshabab ayaa xoojisay weerarada ay ku qaado saldhigyada ciidamada ee koofurta iyo bartamaha Soomaaliya bilihii ugu dambeeyey iyadoo sidoo kale weeraro ka geysata caasimadda.

“Waxaan si buuxda ugu mashquulsan nahay ka xaqiijinta sidii ummadda Soomaaliyeed ay ugu heli la’haayeen maamul wanaagsan dalkooda ayuu yiri wasiir Omar.

Soomaaliya ayaa dagaallo iyo rabshado u jirtay tan iyo sanadkii 1991dii, dowladda ayaana sheegta in qatarta xarakada Alshabab darted aysan u saamaxeyn in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, taas bedelkeedna toban iyo afar kun oo qof kuwaasooo matalaya dowladda goboleedyada dhammaan dalka ayaa soo dooran doona xubnaha baarlamaanka, baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday ee la doortay sanadkii 2012kii waxaa soo xulay odayaal dhaqameedyo tiradoodu ahayd 135.

Xarakada Al-shabaab ayaa sida ay sheegto dooneysa inay kusoo rogto shareecada islaamka dalka oo dhan iyadoo sidoo kale ku hanjabtay inay weeraro ka geysan doonto goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka la qorsheynayo inay dalka ka dhacaan sanadkan.

Goobjoog News