U bood dhigaalka

Michel Keating Oo Soo Dhoweeyay Heshiiska Ay Gaareen Madaxda Puntland Iyo Galmudug

Sheeko:Dalka

Ergayga Gaarka ee Qaramada Midawbay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michel Keating ayaa soo dhoweeyay heshiiskii dhowaan ay dalka isku tagga Imaaraatka Carabta ku gaareen hoggaamiyeyaasha maamullada Puntland Iyo Galmudug.

Keating ayaa sheegay iney aad usoo dhoweynayaan dadaal walbo oo lagu xalinayo dagaallada Gaalkacyo, wuxuuna sheegay in heshiiskan uu ahaa mid aad loo sugayey.

Michel Keating ayaa odayaasha dhaqanka iyo ganacsatada Gaalkacyo ku amaanay sida ay ugu dadaaleen in xal laga gaaro dhibaatada Gaalkacyo kasoo cusboonatay.

“Tani waa tallaabo dhanka wanaagga loo qaaday kubadda waxay hadda cagta ugu jirtaa Gaas iyo Guleed si ay u meel mariyaan ballan qaadyadii aan la fulin, iyo inay u adeegaan shacabka Puntland iyo Galmudug” ayuu yiri Keating.

Ciidamo kala taabacsan maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa ku dagaallamay magaalada Gaalkacyo ee gobolk Mudug, waxaana dagaalladaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Goobjoog News