U bood dhigaalka

Mid Ka Mid Ah Culimada Ugu Caansan Baardheere Oo La Dilay

Sheeko:Amniga

Rag bistoolado ku hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay degmada Baardheere ee gobolka Gedo ku dileen mid ka mid ah culimada ugu caansan degmadaasi.

Sheekh C/raxmaan Shariif ayaa waxaa toogtay Labo nin oo dhallinyaro ah, isaga oo ku dhowaa masjid ku yaalla xaafadda Buulo Kuulow ee degmada Baardheere.

Goob jooge ayaa u sheegay Goobjoog News, in raggii dilka ka dambeeyey ay goobta ka baxsadeen, islamarkaana halkaasi ay gaareen ciidamada ammaanka oo sameeyey howlgallo aan natiijadooda la shaacin.

Sheekh C/raxmaan ayaa masjidka lagu hor dilay la sheegay in uu salaadda ka tujin jiray, waana wadaad caan ka ahaa degmada Baardheere.

Gobolka Gedo waxaa kusoo badanaya wixii ka dambeeyey bilashada bisha Ramadan, dilalka qorsheysan ee sidan oo kale ah.

Goobjoog News