U bood dhigaalka

Mid Ka Mid Ah Xukumanayaashii Loo Heystay Kiiskii Caa’isha Oo La Sii Deynayo

Sheeko:Dalka

Wararka aan ka helayo deeganada Puntland ayaa sheegaya in Cabdisalaam Cabdiraxmaan Warsame lagu wado in la sii daayo ka dib markii sida la sheegay labada qoys ay ku heshiiyeen in ay kala qaataan mag.

Qoysaska ayaa ku heshiiyay in mag gaaraysa 75 neef oo geela la siiyo qoyska Caa’isha Ilyaas, sidaasina lagu soo daayo Cabdisalaam Cabdiraxmaan warsame oo horay xukun dil ah loogu xukumay.

Haatan qoyska aabe Ilyaas Aadan waxaa gacanta loogu shubay lacag gaaraysa 25,000 oo doolar oo u dhiganta 50 halaad sida la tilmaamay, waxaana muddo 3 bilood ah loo qabtay qoyska Cabdisalaam in ay ku bixiyaan inta ka dhiman magta lagu heshiiyay.

11-kii bishan ayaa laba ka mid ah xukumanayaashii loo heystay kiiskii Caa’isha Ilyaas waxaa lagu toogtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.

Goobjoog News