U bood dhigaalka

Mid Kamid ah Ergadii Dooratay Baarlamaanka 11-aad oo Muqdisho Lagu Dilay

Sheeko:Amniga

Waxaa warar dheeraad ah laga helaya dil kooxo hubeysan magaalada Muqdisho ay ugu geysteen nin la sheegay inuu kamid ahaa ergadii  dooratay xildhibannada Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federaka Soomaaliya.

Marxuumka ayaa waxaa lagu dilay Isgoyska Sacna, xilli uu ku sugnaa, kooxihii dilka geystay ayaa goobta isaga baxasaday, kadib markii ay fuliyeen dilka oo dhowr xabadood ay kaga dhufteen, magaciisa ayaa lagu koobay Maxamuud.

Ciidanka ammaanka goobta gaaray ayaa sameeyay baaritaanno lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay dilka loo geystay marxuumka oo kamid ahaa ergadii wax kasoo dooratay Xildhaannada Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Goobjoog News