U bood dhigaalka

Mid Kamid Ah Ergadii Soo Doortay Xildhibaannada Golaha Shacabka Oo Lagu Dilay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dil saakay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho loogu geystay mid kamid ah ergadii xildhibaannada golaha shacabka ku doortay magaalada Jowhar.

Marxuumka la diley ayaa lagu magacaabayey Axmed Maxamed Aadan, wuxuu ahaa 70-sano jir, waxaana lagu dilay Suuqa beerta, isaga oo Sarifle ahaa.

C/wahaab Maxamed Maxamuud, guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee maamulka degmada Waaberi oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in goobta dilka uu ka dhacay ay ka baxsadeen raggii dilka ka dambeeyay, balse weli ay wadaan howlgallo.

“Rag ku hubeysan Bistoolado ayaa dilay Marxuum Axmed Maxamed, sarifle ayuu ahaa, wuxuu kamid ahaa ergadii wax kusoo dooratay Hirshabelle, wuxuuna ahaa waayeel 70-sano jir ah, waxaa naloo sheegay in dilka ay geysteen Labo nin dhallinyaro ah oo aad u yar yar, kadibna ay fakadeen” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka.

Ma jirto howlghalka ay ciidamada dowladda ka sameeyeen degmada Waaberi cid ay kusoo qabteen, hase ahaatee degmadan sidan oo kale waxaa horey loogu dilay dhowr odoyaal dhaqameed oo wax ka doortay xildhibaannada golaha shacabka.

Goobjoog News