U bood dhigaalka

Mid Kamid Ah Ugaasyada Gobolka Hiiraan Oo Shacabka Ugu Baaqey Ka Shaqeynta Ammaanka

Sheeko:Dalka

Mid ka mid ah Ugaasyada Gobolka Hiiraan hiraan ayaa kubaaqay in laga wada shaqeeyo Ammaanka Gobolka Hiraan uu sheegay inuu umuuqda Mid aan wanaagsanen.

Mid kamid ah ugaasyada gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay xaaladda ammaan ee gobolkaasi oo maalmihii dambe faraha ka sii baxayay.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo kamid ah duubabka dhaqanka ayaa ka qeyb galay kulan bulshada la isugu yeeray oo diiradda lagu saarayay ammaanka gobolka Hiiraan.

Kulankani oo ka dhacay magaalada Baladweyne ayaa Ugaas Xasan Ugaas Khaliif wuxuu sheegay in ammaanka gobolka waayadii dambe uu faraha ka sii baxayaya sidaasna ay tahay wax aan la aqbali Karin.

Ugaaska ayaa bulshada ku dhaqan magaalada Baladweyne u sheegay in wanaagsan tahay in dhammaan loo midoobo ka shaqeynta ammaanka.

“Shacabka waa inay ka shaqeeyaan ammaanka maxaa yeelay haddii aan laga wada shaqeyn oo wada shaqeyn shacabka iyo maamulka aysan jirin amni jirimaayo” ayuu yiri Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Maalmihii dambe magaalada Baladweyne iyo degaanno ku xeeran waxaa ka dhacayay falal liddi ku ah ammaanka magaaladaasi.

Dad ayaa lagu dilay gudaha Baladweyne kuwa kalena meydadkooda ayaa lagu arkayay daafaha magaaladaasi colaaddaasi oo lagu sheegay inay tahay aano qabiil.

Goobjoog News