U bood dhigaalka

Midawga Musharixiinta Oo Markale Farmaajo Ku Eedeyay In U Dib U Dhaca Doorashada Mas’uul Ka Yahay

Sheeko:Amniga

Golaha midawga musharixiinta ayaa kulan ay isugu yimaadeen magaalada Muqdisho waxa ay kaga hadlaan xaaladihi ugu dambeyay ee doorashada.

Midawga ayaa dib u dhaca isbuucyadi la soo dhaafay doorashada waxa ay ku eedeyn madaxweynaha Waqtigiisu dhamaada Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Musharixiinta ayaa sidoo kale waxa ay sheegen in ay iyaga iyo dowlad gobaleedyada ay u socdaan shirar looga arinsanayo sidii wax looga qaban lahaa tabashooyinka ay ka muujiyeen Habraacyadii ay soo saareen golaha wadatashiga Qaranka.

Shirka Midawga ayaa markii uu soo dhamaaday ayaa waxa ay ka soo saareen Afar qodob oo kala ah :-

1: Daaha doorashada, mugdiga soo galay, niyadjabka Bulshada Soomaaliyeed ,isla markaana uu mas’uul ka yahay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo.

2: in la is xasuusiyay in Golaha Midowga Muaharixiinta u taagan yihiin in dalkaan doorashooyin xur iyo xalaal ah oo la isku haleyn karobay ka dhacaan.

3: inay wada-hadallo la leeyihiin Golaha wadatashiga doorashoiyinka sigaar ah dowlad Goboleedyada, iyaga oo u gudbiyay tabashada ay ka qabaan habraaca doorashada, wixii kasoo baxana ay Bulshada la wadaagi doonaan.

4: in Xukuumadda uu horkacsyo Ra’iisul Wasaare Rooble ay wada-hadallo lamleeyihiin, isla markaana ay ka arrinsanayaan sidii dalka uga dhici laheyd doorashooyin xalaal ah oo la isku raacsan yahay.

Goobjoog News