U bood dhigaalka

Midoowga Afrika oo cambaareeyey wariye Muqdisho lagu dhaawacay

Sheeko:Dalka

Maman Sidikou oo ah ergeyga Midoowga Afrika ee Soomaaliya ayaa cambaareyn dusha oga tuurey weerar xalay lagu qaaday gaari uu saarnaa mid ka mid ah wariyeyaasha ka hawlgala Muqdisho,kaasi oo lagu magacaabo Nuure Maxamed Cali waxaana weerarka kasoo dhaawac.

“Kani waa weerarkii afaraad oo sanadkani gudihiisa lagu qaaday saxafiyiinta, cidna ma aysan sheeganin weerarkani waxashnimada ah, waxaanse ku baaqayaa in la baaro dhacdadan” ayuu yiri ergeyga.

War qoraal ah oo uu soo saaray ergeyga ayuu ku xusey in bishii hore uu dhacay isku day dil oo lala doonayay wariye Cabdirisaq Jaamac Cilmi.

Wariye Nuure Maxamed ayaa horey oga shaqayn jirey Radio Kulmiye oo Muqdisho ka hawlgalay, waxaana la sheegey in lugaha ay wax ka gaareen.

Goobjoog News