U bood dhigaalka

Midowga Afrika “Howlaha Aan Ka Wadno Soomaaliya Uma Hakanayaan Weerarada Al-shabaab”

Sheeko:Dalka

Ergeyga u qaabilsan u qaabilsan Soomaaliya Maman Sidikou ayaa cambaareyn usoo jeediyey weerarkii Al-shabab ay ka geysatay magaalada Kismaayo, weerarkaas oo ay ku naf waayeen 20 qof halka 30 kalena ay ku dhaawacmeen.

Wakiilka gaarka ah ee midowga Afrika ee Soomaaliya Maman Sidikou wuxuu sheegay in weeraradii loo geystay xarunta tababarka ciidamada Soomaaliya iyo meelaha kaleba aysan ka weecin doonin dadaalada midowga Afika ku dooneyso iney ku xasiliso wadanka geeska Afrika ku yaala ee Soomaaliya.

”Ficilkan aadka u xun wuxuu xaqiijinayaan hadafka Al-shabaab ee ah in wax la dumiyo oo aan waxba la dhisin waxaana u tacsiyeynayaa qoysaskii dadkooda la dilay iyo kuwii ku dhaawacmay sidaana waxaa lagu sheegay war-murtiyeedka wakiilka gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan midowga Afrika Sidikou.

Ergeyga Midowga Afrika sidoo kalena ah madaxa Amisom wuxuu ku tilmaamay weerarkaas ahaa fal aad u xun oo la doonayo in looga leexiyo dowladda dadaallada ay ku dooneyso iney ku dhisto hay’ado amni oo adag.

Wuxuu sheegay in weerarka uu dhibaato ku yahay Soomaaliya taasoo kasoo kabaneysay wixii horey usoo maray iyadoo qeybo ka mid ah dalka ay ka socdeen dib u dhis.

Ergeygu wuxuu sheegay in Al-shabaab aysan wax dib u dhac ah ku keeni Karin dhismaha ciidamada qaranka Soomaaliyeed iyo hay’adaha kale ee amniga illaa dalka uu noqdo mid isku filan.

Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa lagu weeraray dhisme ay joogeen ciidamo dhawaan loo qaatay in lagu tababaro magaalada dekedda leh ee Kismaayo iyadoo halkaasi ku geeriyoodeen tiro ciimadaasi ka mid ah kuwa kalena ku dhaawacmeen.

Xarakada Al-shabab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkaas iyadoo midowga Afrika iyo ciidamada Soomaaliya ay sii xoojiyeen weerarada dhanka cirka ah ee lagu beegsanayo Al-shabaab.

Goobjoog News