U bood dhigaalka

AMISOM Oo Cambaareysay Qaraxyadii Ka Dhacay Baydhabo

Sheeko:Dalka

Golaha midowga Afrika ee AMISOM ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay qaraxyadii gabal dhacii shalay ka dhacay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Wakiilka gaarka ah ee Midoga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya Danjire Francisco Caetano Madeira ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxii ka dhacay magaalada Baydhabo, kaasi oo ay ku dhinteen dad rayid ah.

“Waxaan garab taaganahay ehelada dadka rayidka ah ee ku dhinta weerarka argagixisonimo ee ay Al-Shabaab ku bartilmaameedsadeen dad rayid ah oo goob ku qaxweynayay, kaasi oo muujineyso inaysan u tureynin shacabka” ayuu yiri Danjire Madeira.

Danjiraha ayaa tilmaamay in AMISOM oo kaashaneysa ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay dib u billaabi doonaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, si looga cirib tiro guud ahaan dalka, waxaana uu shacabka ka codsaday inay la shaqeeyaan ciidamada amniga.

Ku dhawaad 30 qof oo rayid ah ayaa ku geeriyooday qaraxyo shalay ka dhacay bartamaha magaalada Baydhabo, waxaana ku dhaawacmay dad tiradoodu gaareyso 50 qof.

Goobjoog News