U bood dhigaalka

Midowga Afrika Oo Sheegay In Ay Dabagal Ku Sameyn Doonaan Xiisadda U Dhaxeysa Soomaaliya Iyo Kenya

Sheeko:Amniga

Qoraal ka soo baxay madaxda ugu sareysa ee midowga Afrika ayaa waxaa looga hadlay xiisadda u dhaxeysa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya taasi oo ka dhalatay ka dib markii ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay gudaha u galeen magaalada Mandheera ee Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Guddoomiyaha midowga Afrika ee Moussa Faki Mahamat, ayaa sheegay in xiisadda ka soo cusboonaatay labada dhinac ay rajeynayaan in isfaham iyo horumar wanaagsan ay ku dhamaato, si dib loogu soo celiyo xiriirkii labada dhinac ee wanaagsanaa.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale dhamaan saamileyda labada dhinac waxa uu ugu baaqay in ay xaalka dajiyaan islamarkaanka waxa uu ku dhiira galiyay in ay tabashooyinkooda ku dhameeyaan miiska wadahadalka.

Dhinaca kale qoraalka ka soo baxay midowga Afrika ayaa waxa uu tilmaamay in ay dabagal rasmi ah ku sameyn doonaan xiisaddaan markale soo kala dhexgashay Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxtooyada Kenya ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ku soo xadgudubtay sharafta iyo madaxbanaanida dalkooda ka dib markii ay gudaha dalkaai gaareen ciidamo ka tirsan dowladda Farmaajo, wallow markii dambe labada dhinac ay khadka taleefanka kuwada hadleen.

Goobjoog News