U bood dhigaalka

Midowga Afrika Oo Sugaya Amaanka Doorashada Soomaaliya 2016-ka

Sheeko:Dalka, War

Francisco Madeira oo ah ergeyga midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa waxaa uu balan-qaaday in ciidamada Afrikaanka ay sugi doonaan amaanka doorashada ka dhaceyso dalka sanadkan 2016-ka.

“Madaxda Siyaasadda iyo hogaamiyeyaasha waxaa ay ku heshiiyeen in ay dhacdo doorasho u gogol xaareysa sidii 2020-ka ay ku dhici laheyd doorashada qof iyo codkiisa ah” sidaa waxaa sheegay Madeira.

Madeira waxaa uu intaa ku darayaa in Soomaaliya iyo AMISOM ay sameeyeen guddi farsamo iyo qorshe lagu sugayo amaanka doorashada 2016-ka.

Francisco Madeira  waxaa uu dhinaca kale Afrikaanka ugu baaqay in ay hub iyo saanad kale lasoo gaaraan ciidamada Soomaalida iyo AMISOM, lagana shaqeeyo sidii looga adkaan lahaa Al-shabaab.

“Waxaan dib ugu laaban doonaa guryaheena markii aan dareenno in Soomaalida ay qaban karaan shaqada aan heyno” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Madeira.

Dalka waxaa sanadkan ka dhici doonto doorasho guud, waxaana lagu wadaa in Baarlamaan la soo xulo ka hor bisha September ee sanadkan.

Goobjoog News