U bood dhigaalka

Midowga Afrika Oo U Hambalyeeyay Baarlamaanka

Sheeko:Baarlamaanka

Midowga Afrika ayaa u hambalyeeyay dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka horumarka laga gaaray dhismaha baarlamaanka federaalka oo maanta lagu dhaariyay magaalada Muqdisho.

Warsaxaafadeed oo ay soo saareen maanta oo Talaado ah ayaa hambalyo loogu direy baarlamaanka tobonaad ee ka kooban labada aqal.

Madaxa Midowga Afrika ee Soomaaliya Fransico Caetano Madeira ayaa ku tilmaamay in ay tahay tallaabo aad u muhiim ah dhaarinta xildhibaannada taasoo loo qaaday dhanka xasiloonida siyaadda iyo dimuqraadiyadda.

“Caleema saarka baarlamaanka cusub ee maanta ma ahan oo kaliya astaan horumareed oo ay Soomaaliya qaaday hase yeeshee waxay ku tusineynaa waxyaabaha ay kasban karaan dadka markii ay midoobaan” ayuu yiri ergeyga gaarka ah ee midowga Afrika ee Soomaaliya.

Fransico ayaa sheegay in Soomaaliya ay kordhisay matalaadda dumarka ee siyaasadda isagoo sheegay in 2012-ka in qoondada haweenku ay ahayd 14% halka iminkana ay tahay 24%.

Soomaaliya ayaa sameysay aqalka sare kaasoo hirgalintiisa ay dhaqan gashay heshiiskii Garoowe ee 2012-ka kadib.

Qoondada dumarka ayaa horey loo sheegay in markani la gaarsiinayo 30% inkastoo dowlad goboleedyadu ay ku kala duwan yihiin.

Goobjoog News