U bood dhigaalka

Midowga Yurub iyo Somaliland oo Kala Saxiixday Heshiis

Sheeko:Amniga

Somaliland iyo Midowga Yurub ayaa maanta kala saxiixday heshiis lagu hormarineed ka dib munaasaba lagu qabtay magaalada caasimadda ah ee Hargeysa, uuna goobjoog ahaa wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Labada dhinac ayaa kala saxiixday heshiiskaan oo la sheegay in uu ku kacaayo 7milyan oo dollar waxaana labada dhinac u kala sixixiisay wasiirka arrimahagudaha xukuumadda Somaliand Maxamed Kaahin Axmed iyo ergeyga Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Nicolas Berlanga.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa halkaas ka sheegay in heshiiskaan uu yahay mid muddo laga soo shaqeynayey, isla markaana lagu horumarin doono dhanacyada caddaalada iyo ciidamada Somaliland.

Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa dhankiida sheegay in ururka Midowga Yurub uu kordhin doono mashaariicda uu ka fuliyo deegaanada Somaliland.

Ugu dambeyn  Maxamed Kaahin wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa ururka Midowga Yurub uga mahad celiyey sida uu mar weliba u garab taagan yahay xukuumadda Somaliland, isagoo xusay in heshiiskani uu xoojinayo wadashaqeynta ka dhaxeysa labada dhinac.

Heeshiiska labada dhinac ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo Midowga Yurub uu horay u balan qaaday inuu deegaannada Somaliland uu ka fulin doono mashaariic lagu hormarinayo kaabayaasha dhaqaale ee Somaliland.

Goobjoog News