U bood dhigaalka

Midowga Yurub, Midowga Afrika Iyo Beesha Caalamka Oo Wada Shaqeyn U Ballan-qaadey Madaxweyne Farmaajo

Sheeko:Dalka

Midowga Yurub, Midowga Afrika Iyo Beesha Caalamka  ayaa war saxaafadeed ay soo saareen waxaa ay ugu hambalyeeyeen madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyaga oo ballan-qaadey iney la shaqeyn doonaan maamulka cusub.

War Saxaafaeed ay soo saareen midowga Yurub waxaa ugu hambalyeeyeen madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo.

Midowga Yurub waxaa ay sheegeen in Madaxweyne Maxamed C. Farmaajo ay hortaallo hanka shacabka Soomaaliyeed ay u qabaan nabadgalyada, sinnaanta, cadaallada, shaqo abuurka iyo la dagaalanka musuqa.

Madaxweyne Farmaajo waxaa ay kula taliyeen in uu isha ku hayo dib u heshiisiinta, cuqdadda, dhameystirka dastuurka iyo arrimaha la xiriira dowlad wanaagga.

Dr. Nkosazana Dlamini Zuma oo ah madaxa midowga Afrika ayaa war saxaafadeed ay ka soo saartey magaalada Adis Ababa uga hambalyeysan doorashada Madaxweynaha cusub Maxamed Cabdulahi Farmaajo.

Midowga Afrika waxaa ay soo jeediyeen in madaxweynaha cusub uu xoogga saaro nabadgalyada, abaaraha, dhameystirka dastuurka, dib u hesiisiinta iyo arrimaha kale.

Ugu dambeyntii waxaa dhankooda was saxaafadeed taageero ah soo saarey beesha caalamka oo kala ah: The United Nations, European Union, IGAD, Ethiopia, Italy, Sweden, the United Kingdom iyo the United States.

Dhammaan kooxdan waxaa ay soo dhaweeyeen doorashada mudane Maxamed Cabdulahi Farmaajo loogu doortey madaxweynaha federaalka ah ee Soomaaliya.

Beesha Caalamka waxaa ay ku talisey in Farmaajo uu muhiimadda saaro dib u heshiisiinta, dhameystirka dastuurka iyo in doorasho qof iyo codiisa ah ay dalka ka dhacdo 2020-ka.

Goobjoog News