U bood dhigaalka

Midowga Yurub Oo Baydhabo Ka Furey Mashruuc Wax Looga Qabanayo Abaaraha

Sheeko:Dalka

Safiirka Midowga Yurub Soomaaliya Ambassador – Ms Veronique LORENZO iyo wasiirka qorsheynta xukuumadda federaalka Jamaal Maxamed Xasan ayaa madaxtooyada Baydhabo kula kulmay madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka hadlay mashruuc uu sheegay in Midowga Yurub ay ka fulineyso degaanno ka tirsan Koonfur Galbeed.

Waxa uu sheegay in ay ka rajeynayaan in sida ugu dhaqsiyaha badan dhammaan mashaariicdaasi in loo fuliyo.

Waxaa Baydhabo waxaa maanta laga furay mashruuc midowga Yurub uu maalgelinayo kaasi oo wax looga qabanayo abaaraha.

Wasiirka Qorsheynta maamulka K/galbeed Maxamed Caruush oo saxaafadda lahadlay ayaa faah faahiyey mashruucan.

“Waxaa sharaf weyn inoo ah in magaalada Baydhabo ka furno mashruuc loogutalogalay in wax looga qabto arrimaha abaaraha, barnaaamijkaasi oo loogu talogalay degmooyinka Buurhakaba, Qansax-dheere iyo Buurhakaba, wuxuuna socon doonaa Labo sano, Midowga Yurub mar kale ayaan u mahadcelineynaa” ayuu yiri wasiirka qorsheynta ee maamulka K/galbeed.

Gobollada K/galbeed ayaa kamid ah gobollada ay aadka u saameysay abaarta dalka ka jirta, iyadoo dadka halkaasi ku dhaqan ay weli gurmad u baahan yihiin.

Goobjoog News