U bood dhigaalka

Midowga Yurub Oo IGAD Ugu Deeqay 42 Milyan Oo Euro Ah

Sheeko:Dalka

Midoga Yurub iyo urur goboleedka IGAD ayaa caasimadda Itoobiya ee Adis-ababa waxaa ay ku kala saxiixdeen heshiis kaasi oo ah in Midowga uu ururka siin doono lacag dhan 42 milyan ee Euro, si loo xoojiyo dadaallada ay hay’adda ka wado geeska Afrika.

Sida heshiiska ku cad deeqdan lacageed ee la siiyey IGAD ayaa waxaa lagu fulin doonaa barnaamijyada ah in looga hortago qalalaasaha, socdaalka sharci darra ah iyo in loo adeegsado howlaha dhexdhexaadinta inta u dhaxeysa 2018-2022.

Dhanka midowga Yurub heshiiskan waxaa u saxiixay ergeygeeda midowga Afrika Ranieri Sabatucci halka IGAD uu u saxiixay Maxbuub Macallim oo ah xoghayaha fulinta ee  ururka.

Saxiixa ka dib Maxbuub Macallim ayaa yiri “ Taageerada midowga yurub waxaa ay xoojin doontaa dadaallada IGAD ay ugu jirto inay dhisto awoodaheeda ku aadan dhinacyada nabad-gelyada iyo amniga iyo ka hortagga hanjabaadaha amniga ee argigixisada”.

Goobjoog News