U bood dhigaalka

Midowga Yurub Oo Kordhiyay Waqtiga Howl-galka Ladagaalanka Burcad Badeedda

Sheeko:Dalka

Golaha Yurub ee loo yaqanno The European Council (EC)  ayaa go’aamiyey  inuu kordhiyo waqtiga howl-galka ilaalinta midowga Yurub ee xeebaha Soomaaliya(EU NAVFOR Somalia) ee lagula dagaalayo burcad-badeedda Soomaaliya ilaa 31 December 2020-ka.

Howl-galkan (EU NAVFOR Operation Atalanta ) waxaa uu ujeedkiisu ahaa  inuu ka hortago howlaha burcad badeedda, afduubka maraakiibta iyo arrimaha kale ee ka jira xeebaha Soomaaliya.

Howl-galkan oo bilowday 2008-dii, danta ugu weyn waxaa ay aheyd in si nabad galyo leh ay maraakiibta gargaarka ku yimaadaan Soomaaliya, in si nabad looga kaluumeysto xeebahaha kadibna waa la ballaariyey oo waxaa lagu daray in si nabad galyo ah ay dunida isticmaali karto biyaha Soomaaliya.

Sida lagu sheegay qoraal soo baxay xafiiskooda, weerarada lagu qaaday maraakiibta isticmaala xeebaha Soomaaliya aad ayey hoos ugu dhaceen, oo halkii tusaale ahaan 2011-kii la weeraray 176 sanadkii hore 2017-kii waxaa ay weerarada ahaayeen 9 keliya.

Martin Dorsman oo ah xogheyaha guud ee iskaashada maraakiibta Yurub( European Community Shipowners’ Associations (ECSA ) waxaa uu leeyahay joogitaan ciidamada dowlig ah ee biyaha Soomaaliya waxaa ay hoos u dhigeen weeraradii lagu qaadi jiray maraakiibta.

Goobjoog News