U bood dhigaalka

Midowga Yurub oo Lacago Gargaar ah Ugu Yaboohay Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Midowga Yurub ayaa fasaxay lacago 28.7 milyan oo Euro oo gaargaar degdeg ah oo la gaarsiiyo tiro waddamo ah oo ay ka jirto xaalad bani’aadamnimo oo daran, Soomaaliyana ay ka mid tahay.

10 milyan Euro oo ka mid ah lacagahaas waxa loogu talogalay abaaraha Soomaaliya oo ku dhuftay qeybo ka mid ah Koonfurta iyo Waqooyiga dalka.

“Xaaladda Bani’aadamnimo ee dunida oo dhan ka jirta ayaa gaartay heer rikoor ah oo aan horey loo arkin sanadkii la soo dhaafay, miisaaniyaddii keydka hay’adda 2016 ayaan ku bixineynaa waddamada ugu nugul”, ayuu yiri Guddoomiyaha Gargaarka Bani’aadamnimada iyo Maareynta Aafooyinka Midawga Yurub Christos Stylianides.

Wadamadan gurmadka degdega ah lala gaarayo oo ay  Soomaaliya ku jirto ayaa waxaa ka jira biyo la’aan iyo raashin xumo, iyadoo 5 milyan oo Soomaali ah ay la dhibaatoonayaan sidii ay ku heli lahaayeen cunto ku filan.

Dalalka kale ee gargaarka bani’aadamnimo wax laga siinayo waxaa ka mid ah, Afghanistan, Myanmar, Masar iyo Libiya.

Goobjoog News