U bood dhigaalka

Midowga Yurub Oo Oo Deeqaha Soomaaliya Gaarsiiyay €89.5 million

Sheeko:Dalka

Midowga Yurub ayaa sheegay in deeqaha banii’aadnimo ee Soomaaliya uu sanadkan gaarsiiyay €89.5, waxaa kale oo jirta in qoonda wax laga siinayo Djibouti.
Deeqdan waxaa ay imaaneysaa maalmo ka hor shirka Somalia Partnership Forum, kaas oo midowga Yurub qeyb ka yahay marti-gelinta, lana qaban-doono todobaadka soo socda 16-17 July.
Deeqdan lacageed ayaa waxaa wax looga qaban-doonnaa arrimaha barakacayaasha, abaaraha, lagu daaweyn-doonnaa nafaqo-darida, in biyo nadiif ah la helo, xoolaha la daaweeyo iyo dadka dagaallada wax ka soo gaareen.
€500,000 ayaa la siin-doonnaa dalka Djibouti si loo taageero qaxootiga halkaas ku nool, kuwaas oo ka soo qaxay dalalka Yemen, Somalia, Ethiopia iyo Eritrea,
Sanadkii hore, waxaa Soomaaliya la siiyay €119 million.

Goobjoog News