U bood dhigaalka

Midowga Yurub Oo Qaxootiga Soomaaliyeed Ugu Yaboohay In Ka Badan 100 Milyan Oo Doolar

Sheeko:Dalka

Shirkii ka dhacay magaalada Brussels ee dalka Biljamka ayaa laga soo saaray qodobo dhowr ah iyadoo dhaqaale badan loogu yaboohay qaxootiga Soomaaliyeed.

Waxaa shirkaan ka qeybgalay Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid, Wasiiro ka mid ah xukuumadiisa, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD iyo dowladaha Kenya iyo Itoobiya.

Wasiirka Qorsheynta Cabdiraxmaan Caynte oo shirkaasi ka qeybgalaya ayaa isaga oo la hadlay VOA waxa uu sheegay in shirkaasi uu guul kusoo dhamaaday islamarkaana Qaxootiga Soomaaliyeed loo yaboobay lacag ka badan 100 Milyan.

“Shirkani waxa uu ahaa Yabooh dhaqaale oo loo yabahooyay qaxootiga Soomaaliyeed ee dalalka deriska ku barakacay iyo kuwa dalka gudahiisa barakac ku ah, lagana caawiyo dib u noqoshada iyo deegaanka, war-murtiyeedka shirka kasoo baxay waxa uu ahaa in la’isku raacay sida ay muhiim u tahay in laga wada qeybqaato dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed, waxaa lagu yaboohay lacag ka badan 100 milyan oo doolar” ayuu yiri wasiirka

Kenya waxaa ku sugan qaxooti Soomaaliyeed oo aad u badan, kuwaa oo dhawaan qaarkood billaabay in si iskooda ah ay dib ugu soo laabtaan dalka, ka dib xaaladda halkaasi ka jirta oo ay u adkeysan waayeen.

Goobjoog News